Safarka Qalbi Dhagax Ee Hargeeysa,Maxuu ka dhigan yahay!!

Reading Time: < 1 minute

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Soo dhaweynta Qalbi Dhagax waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan xisbiyadda Siyaasadda ee Somaliland, waxaana la sheegay in uu Casuumaad ka helay Somaliland.

Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal Sare ayaa dhaawaan saameyn weyn yeeshay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda ayna ku tilmaamtay Urur Argagixiso ONLF.

ONLF ayaa hadda laga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee uu horseedka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha Xibiga UCID Faysal Cali Waare ayaa dhawaan sheegay in Qalbi Dhagax ay ku Casuumi doonaan Hargeysa,Maadaama lagu jirdilay Muqdisho kadib Itoobiya gacanta loo geliyay.