Safarka MW Xasan Sheekh ee Mareykanka Maxaa Dan ah oo Somaliya ugu Jira.

Reading Time: 3 minutes

Dhab ahaantii dadka safarka MW qiimeeyaa waa laba koox oo ku kala aragti duwan. Koox cabirta safarka iyagoon u eegin mucaaridnimo ama taageeranimo ee qiimeeya safarka iyo waqtiga u uku soo beegmay, faa’iidoyinka laga dhaxlayo. Waxaa kaloo jirta koox kale oo mucaarid ah oo aan eegin faa’iido iyo faa’iido darro toona ee waxkasta oo ay cidda ay ka soo horjeedaan sameysaa mar waliba u sarrifa, una muujiya inay xun yihiin xataa haddey dalka u wanaagsan yihiin.

Waxaa caadiyan jira siyaasad munaafaqnimo oo uu islaamka reebayo taas oo ah in xaqaa la qariyo, iyadoo sidaas aayadaha quraanka u cad cad yihiin ayaa waxaa dalkeenna ka jira qolooyinka mucaarid ah oo  waxay mar waliba ku dadaalaan inaan dowladda ama cidda ay ka soo horjeedaa wax fiican laga sheegin ee xumaan uun loo raadiyo.

Haddaba annagoo taas maanka ku hayno aynu falanqeyn ku sameyno safaka MW  Xasan Sheekh ee dalka Mareykanka. MW iskama tagin ee waxaa lagu casuumay shir ay qaban qaabisay dowladda adduunka ugu xoogga weyn maanta, isla markaana ah dowladda si fiican Somaliya ugu taageertay la dagaallanka Shabaab, taas oo ciidanka XDS siiyey awood cireed oo xog leh, kadib markii ay dayuuradaha aan duliyaha lahayn ku laysay madaxda Shabaab, isla markaana ku hagtay ciidanka iyo duulllaankooda.

Marka iyadoo taas laga duulayo MW Xasan iyo Wafdigiisa waxay ka kooban yihiin:

  1. Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga oo ah labada hay’adood ee ay si toos hadda Mareykanku uga taageeraan Somaliya.
  2. Wasiiru-Dowlaha madaxtooyada iyo agaasinka guud ee xafiiska MW oo isugu jira Agaasinka Xafiiska, Madaxa warfaafinta iyo kan hab maamuuska oo iyagy isku dubarida hawlaha iyo kulamada MW.
  3. La taliyaayaasha MW ee dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah kuwaas oo MW mar waliba kala taliya MW arrimaha hortabinta u leh dalka ee xiriirka Caalamiga iyo dhaqaalaha.

Safarkan oo ka mid kuwa ugu muuhiimsan ee madax Somaliyeed weligeed gasho waxaa uu ku soo beegmay xelli aad loogu baahan yahay siyaasaddii gooni joogga ahayd ee Erateriya iyo Itoobiya ku koobneyd  in dalka laga saaro waayo hal mar weligeed ma dhicin in Madaxweyne Somaliyeed hal safar inuu kula kulmo madaxda dunida maanta dhaqaale ahaaan iyo cudud ciidan ahaan ugu xooga badan:

  1. Madaxdweynaha Dalka addunka ugu dadka badan Xi Jinping, ahna hogaamiyaha bulshada reer Bariga, dhaqaalaha addunkana Meesha labaad kaga jira waa dalka Shinaha.
  2. Madaxda dalka Sacudiga oo ah dalka dunida ugu soo saarka badan shidaalka aadna ugu weyn dadka Somaliyeed caqiiddo iyo diin ahaan isla markaan xoog nooga taageera dhinac dhaqaalaha.
  3. Iyo inuu haddana u safro dalka adduunka ugu xoogga badan dhaqaale iyo ciidan ahaan ee Mareykanka halkaasna uu kula kulmo madaxda dalkaas iyo Madaxda waddammo badan oo  Afrikaan ah oo ka qeybgalaya shirka Mareykanka iyo Afrika.

Isku soo duub safarkaan waxaa uu yahay mid guulo waaweyn uu dalkeenna ku gaaray waxaana kor ku soo kacay qiimaha iyo qadarinta aan dunida ku leenahay, iyadoo gudaha dalkana uu ka socdo la dagaallanka Alshabaab, taas oo ah in RW Xamza oo hawlo shaqo ku jooga jiidda hore dagaalka shabaab lagula jiro iyo Gudoomiyaha Golaha Shacbiga Sh Aden Madoobe oo sidoo kale dagaalka hadda toos u soo galay wadana nabadeynta iyo is fahamsiiska Bulshada K/Galbeed.

Dhammaan tallaabooyinkaan waxay miijinayaan inuu dalkeenna u dhaqaaqay inuu qabsado hawlahiisa dhowaanna uu ka maarmi kari gacan hoorsiga, isagoo ka soo muuqanay dunida meeshii uu ka lahaa,  gudahana uu ka abuuro jawi nololeed oo aad uga duwan kii lagu sugnaa 30 sano ee tagtay. Dhacdooyinkan waa kuwo farax gelinaya dadka jecel samaha Somaliya, Nabar iyo Naxdinna ku noqonaya cadow shisheeye iyo kuwa sokeeye ee ogaal iyo ogaal la’aan u adeega.

Waxaa soo muqata  guul weyn oo la rabo inay cid waliba bogaadiso kana qeyb qaadato,  waana sida hogaamiyaha lagu garto inuu ku farxo marka dadkiisa ay horumar gaaraan. Madxweynihii hore ee dalka KMG ka saaray oo aad uga farxay horumarka dalka iyo dadka Somaliyeed sida MW Shariif sheekh Axmed kaas oo soo duubay cod iyo muqaal dareen waddaninimo  u leh, ciidanka XDS,  shacabka iyo madaxda maanta dalka hogaamisa kaas oo u noqday taagero iyo tusaaale dhiirgelineed oo ka timid waayeel lexajeclo ay dalka ka hayso. Tolow aaway MW Farmajo?