Safarkii R/Wasaare Kheyre ee Imaaraadka oo Mar kale soo noolaaday.

Reading Time: 2 minutes

Ugu dambeyn wixii la iskula jiraba R/Wasaare Kheyre waxaa uu ku guuleystay in uu aado safarkii sheekada badan dhalay ee dalka Imaaraadka, iyadoo beryahan uu socday Ismaandhaaf u dhaxeeyey madaxweynaha, iyo kooxdiisa ku xeeran iyo  R/Wasaare Kheyre oo dhinac ah .

Muqdisho Online ayaa ogaatay in kheyre uu ku jiro hawlo ay aad uga cabsanayaan Fahad Yasiin iyo Madaxweynaha laftiisa kuwaas oo ah in Kheyre uu soo saxeexo heshiis wax weyn ka badalaya mowqifka Dawladda Somaliya ee khilaafka Khaliijka.

Farmajo iyo Fahad waxay xoog u taageereen dawladda Qatar, taasoo uu sababay Fahad oo aad ugu dhow sirdoonka dalka Qatar muddana la soo shaqeeyay sirdoonka Qatar.

Dhinaca kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Kheyre uu halkaas kula kulmi doono Shiradda SOMA OIL and GAS oo hadda u muuqato inay hor boodayaan koox Ruush ah, arrinkaan oo isagana dareekiisa leh. Haddaba haddii madaxda shirkadda ay ku kaalmeeyaan in Kheyre iyo Imaaraadka is fahmaan waxay su’aali ka joogtaa sida uu noqon doono xiriirka Farmajo iyo kheyre oo beryahan dun daciif ah ya isku haysay.Walow la leeyahay waxaa ka muuqda isu soo dhawaasho kadib markii uu Shariif Xasan dhexgalay, laguna heshiiyey in la magacaabo taliyayaasha Ciidamada Asluubta, Boliiska oo u muuqda inuu hay’ad ahaan sii dhaciifayo iyo Agaasimaha Nabadsugidda oo wiil Shariif Xasan ah.

Cidi ma oga sababta hadda kooxda madaxweynaha ay u oggolaadeen in Kheyre uu safarkan aado maadaama uu horay ula soo kulmay Wasiirka Arimaha dibadda ee Imaaraadka , horayna ay ugu soo heshiiyeen inuu ka soo shaqeyn doono in madaxweynaha uu ka soo dhaadhiciyo in ay Somaliya wax ka badasho mowqifkeeda. Madaxweynaha waa ogolaaday safarka waxaanu wafdiga ku darsaday xubno uu Cabdisaciid ka mid noqon doono ayaa leeyahay. Cabdisaciid oo u muuqda inuu Farmajo u galay meshii uu ugu jiray Caabdirisaq Jurille Maxamed Siyaad oo ahyad in uu u dhaxeeyey isaga iyo Beelweyntaa ay laabadoodaba ka soo jeedaan.

Waxaa Iyana dhinaca kale jira  dadaal xoog leh oo uu waday Alexander Randos oo bariga Afrika u qaabilsan EU-da kasoo aad isugu dhaweeyey Safiirka imaaraadka Somaliya u jooga iyo Kooxda Farmajo, kadibna ay soo salaamidiisa saf u galeen madaxda dawladda Farmaajo.

EU iyo Beesha caalamka waxay baadigoob ugu jiraan cidii maalgelin lahayd AMISOM oo ay lacagta ka dhamaaneyso bisha June ee 2018. Imaaraadka waxba kama qabaan inay lacagtaas bixiyaan haddii Somaliya loo gacangeliyo oo talooyinkeeda ay wax ka goyn karaan Qatar iyo Turkigana Liifadda loo gaabiyo.

Balse aan aragno waxa uu soo kordhiyo safarka Xasan Cali Kheyre ee Imaaraadka.