Safarka Kheyre ee Qatar waa Maxaa iga Galay Haddii uu dalku Gubanayo waan soo Dalxiisayaa.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa mas’uuliyad darro inteeda la eg in dalka oo maanta qarka u saaran inay dawladnimada burburto oo meel yar oo xabadi ka bilaabato ay keeni karto xaalada khater ah oo u dalku galao ayaa waxaa dalxiis iyo urur meel isugu imanaya u baxay R/Wasaarihii dalka. Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Doxa ee dalka Qatar dalxiis iyo inuu ka qeyb galo forum faajfaajo ah oo ka dhacaya dalka Qatar u duulay. Damiir adkaa oo doqon Sanaa.?

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu dalku galay xiisad siyaasadeed oo aan la fileyn, kaddib mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal.

Haddaba maanta oo kale waxay ahayd inuu RW shaqo ka dhigto inuu ku dadaalo sidii loo damin dabka huraya iyo Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo qarka u saaran inay qarxaan nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Waxaa kaloo shir uga socdaa magaalada muqdisho beelweynta uu ka soo jeedo R/Wasaaraha oo ku yimid awood qeybsi qabiileed oo 4.5.

Arrintaani waxay mujineysaa madaxda maanta dalka hogaamisaa inaysan ka warqabin inta ay la egahay cuelyska mas’uuliyadda Saaran. Safarro aan wax dani dalka ugu jirin iyo waliba xilliyo adag oo aan la safrin ayaa jira.

Madaxda dunida marka wax yar oo qalalaase ah ay dalalkooda bilowdaan waxay soo gaabiyaan safarkii muhiimka ahaa ee ay ku jireen  waxayna si degdeg ugu soo noqdaan dalka, hasa yeeshee Kheyre isagoo afka kala jiidaya ayuu aaday dalka Qatar waana caqlixumo tii ugu weyndeyd.

R/Wasaaraha waa cunug ku jira caloosha Madaxweynaha oo haddii caawa uu Madaxweynaha dhaco isagana waa l adhacayaa marka maanta madaxweynaha oo moooshinkiisa uu miiska saaran yahay inuu safar forum ah oo aan macno lahayn inuu aado waa ayaan darrada haysata dadka iyo dalka Somaliya.

Ogaada mushkiladda waxay ka xoogeysatay markii dawladda uu hogaamiyo Kheyre iyo Wasiir Beyle lagu soo eedeyey inay lunsatay $42M oo halkii ay ka bilaabi lahayd dawladdu inay lacagta la xaday baadi doonto waxay dambi uqabsatay cidii soo sheegtay oo tiri ha la boobsiiyo inta uu gudoomiyaha maqan yahay oo hala kala diro. Balsa waa la isaga daba yimid.