Safaaradda Maraykanka oo saxday been uu Ra’iisal Wasaare Kheyre ku faafiyay baraha bulshada

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta lagu qabtay Xarunta Xalane kulan looga hadlayay arimaha amniga Soomaaliya oo ah kulan joogta oo la qabto dhowrkii biloodba mar. Kulankaan aya waxa loo yaqaanaa marka la soo gaabiyo “security sector focused, strand A2”. Kulanka aya waxa goobjoog ka ahaa wafuud ka tirsan safaradaha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan oo muhiimad gaar ah u leh dowladda Maraykanka aya Ra’iisal Wasaare Kheyre  waxa uu codsaday in in wax gudoomiye shirka  mar hadii uu diiday in uu soo diro Wasiirka musaasibka ku ah imaatinka shirka noocaaan oo kale ah. Iyada oo lagu sharfayo dowladda Soomaaliya  iyo codsiga Kheyre aya waxa la isla gartay in shirka uu noqda mid ay isla wada gudoomiyaan (co-chairs)  Safiirka Maraykanka iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Shirke markii uu dhamaaday aya safaaradda Mayarkan waxa ay ka warheshay in RW Kheyre sheegtay in uu shirka isaga kaliya gudoomiyay oo ah been abuur aan waxba ka jirin. Safaraadda Maraykanka oo saxaya beenta Kheyre faafiyay aya waxa ay bartooda bulshda soo dhigeen qoraal ay ku cadeeynayaan in ay ka xun yihiin sida uu hadalka u soo qortay RW Kheyre.

Waxaana ay hadalka ku bilaabeen “ waxaa aad ugu faanaynaa in aay anaga xiririnay shirkii maanta oo ay isla gudoomiyeen Kheyer iyo Yamamoto…..”

Waxaa nasiib xumo ah in RW Kheyre uusan ka xishoonin in uu been ka sheego kulan la wada og yahay cida soo abushay isla markaana gudoomisay.