Safaarada Turkiga oo VISA bixinta ku wareejisay shirkad gaar ah ka dib markii DFS lagu qabtay iibinta VISAHA

Reading Time: < 1 minute

Safaarada Turkiga ee ku taal magaalada Muqadishu ayaa bixinta VISAHA dal-ku-galka ku wareejisay shirkad gaar ah ka dib markii mas’uuliyiin ay ku jiraan wasiiro ka tirsan  Dowlada Fedaraalka lagu qabtay iibinta ama ka ganacsiga  VISAHA.

Safaaradda Turkiga ayaa waxaa maalin kastaa tago wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad Fedaraalka kuwaas oo VISA u doonayo shaqsiyaad ama kooxo ay ku sheegeen in ay ehel yihiin ama la shaqeeyaan dowlada Federaalka. Dhibka ugu wayn waxa uu ka soo gaaray Wasiirka Arimaha Dibadda Axmad Awad oo ilaa bilowgii sanadkaan geeyay safaradda in ka badan 100 codsi VISA ah.

Si hadaba ayan safaarada iyo dowlada Federaalka ah isku arkin ayaa waxaa dowlada Turkiga qadatay talaabo aan caadi ahayn taas oo ay VISA bixinta ku wareejisay  shirkada gaar loo leeyahay. Shirkadaan ayaa waxa ay u suugarashay in ay durbadiiba ka diiday wasaarida ka tirsan dowlada in la siiyo VISAHA been abuurka ay ku raadinayaan.

Dowladadii Soomaaliya ee laga sugayayay in ay hogaamiso dalka ayaa waxa ay ku soo dhamaatay in ay ka beec-mushtaraan VISAHA Dalka ku galka ah. Midowga Yurub ayaa ku eedyay dowlada Turkiga in ay Turkiga noqday meel ay soo maraan tahriibayasha ka soo jeeda Soomaaliya.