Safaarada Soomaaliya oo qeyb ka-noqotay fadeexada Nasro-Abukar & Qoyskeeda

Reading Time: 3 minutes

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayay lugaha la gashay fadeexada ka dhalatay gabadha dalka Shiinaha uga qeyb gaashay  tartanka ciyaaraha fudud iyada oo ku ciyaareysa magaca dalka Soomaaliya. Safaaradda Soomaaliya u fadhida dalka Kenya ayaa codsi u qortay Visaha dal-ku-galka qaar kamida dalalka Yurub.

Safaraadda Soomaaliya oo isticmaaleyso magaca xiriirka ciyaaraha fudud ayaa qoraal ay u qortay dhawr safaraadood oo ka wakiil ah wadamada Yurub waxa ay ku codsatay inay Visaha dal-ku-galka dalalkooda  siiso sideed qof oo ka socda xiriirka Ciyaaraha Fudud ee dalka Soomaaliya.

Dadka ay Visaha  safaradda Soomaaliya Kenya u dalabtay ayaa waxaa kamida gabadha ceebta uga soo hooysay dadka Soomaaliyeed tartanka cayihii fududaa ee  dhawaan lagu qabtay dalka Shiinaha.   Qorshaha ayaa ahaa in Nasro Abukar Cali ay ku soo noqoto magalaada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay  Visaha dal-ku-galka Yurub ka qaadanayso iyada oo ka qeybgaleyso  ciyaaraha fudud ee la sheegay inay ka dhacayaan dalka Hungary.

Gudoomiyaha Ciyaaraha Fudud Khadiijo Aadan Daaahir   iyo wafdi iyada la socda ayaa jooga magaalada Nairobi iyaga oo halkaasi magaca dowlada Soomaalya ku qaatay Visaha Dal-ku-galk ee la isugu mari karo dalalka Yurub dhexdooda.

Qorshaha ay maleegtay Gudoomiyah Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud ayaa ahaa in  dhowr qof oo ay ku jirtyo Gabar ay habar yar u tahay Gudoomiye Khadiijo Aadan oo laguna magacaabo Kaltuun iyo walaasheed Caasha Aadan Daahir ay marka ay tagaan Yurub ay halkaas iska dhiibaan.

Waxaa magaca Safaaraada Soomaaliya oo isticmaleyso magaca xiriirka Soomaliyeed ee ciyaaraha fudud  lagu soo qaaday  8deed Visood oo ah  Dal-ku-gal Yurub.

Doorka Safaaradda Soomaaliya ee fadeexada iibinta VISAHA

Safaraadda Soomaaliya oo qayb ka ahayd qorshaha visaha looga  soo qaadayo safaaradaha Yurub  ee ku yaala magalaada Nairobi ayaa waxa ay madaxda Safaraadda Soomaaliya ku darsadee ilaa afar qofood.

Sida ay noo sheegeen qaar kamida dadkii Visaha loo soo qaaday,  qofkiiba waxaa laga-qaaday lacag gaareysa $12,000 iyaga oo lagu daray wafdiga ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee  Ciyaaraha Fudud iyo Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee dowlada Federaalka.

Howlaha fududeynta visaha iyo iibinteeda ayaa waxa u xilsaarnaa Xoghaya labaad ee safaaradda Omar Fareey, kaas oo lacagta iyo abaabulka Visaha wakiil uga ahaa Safiirka Soomaaliye ee Kenya, Safiir Maxamuud Axmed Nuur (Tarszan)

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaarada Soomaaliya, wafdiga ayaa waxa hogaaminaysa  Gudoomiye  Khadiijo Aadan Diiriye.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Safaraadda Soomaaliya ay qortay qoraal codsi ah  oo ay u dirtay dhowr safaradood oo ay ku jirto safarada dalka Belgium, Jarmalka  iyo talyaaniga kuwaas oo lagu codsaday  in ay Visaha  dalalkooda (oo gaarah)  siyaan wafdi ka socda Xiriirka Ciyaaraha Fudud.

Qoraalka ayaa lagu sheegay  in wafdiga kulamo ku yeelan doonaan dalalka yurub marka ay soo dhamesytaan tartanka ciyaaraha fudud ee caalamige ee ka dhacaya magaalada Budapest.

Qoraalka codsiga ah ayaa Safaaradda Soomaaliya ku sheegtay in wafdigaan ay ka socdaan urur been abuur ah oo lagu magacaabo Ururka Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed. Waxaana sidoo lagu sheegay inay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xiriirka Ciyaaraha Fududba ay ka warhayaan safarkaan.

Dadka Visaha loogu soo qaaday magaca Soomaaliya ayaa ahaa kuwa  heyso Baasaboorka nooca lagu magacaabo “Service Passport” kaas oo ay fududeeysay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo isticmaaleyso  xiriirkeeda ay la leedahay qaar kamida shaqaalada Wasaaradda Arimaha Dibbadda.

Waxaa isweydiin mudan sidee  bey shaqsiyaadkaan aan u waligood u shaqeeynin dowlada Soomaaliya ku heleen “Service Passport” .

Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay safaraadda Soomaaliya Kenya iyo qaar kamida xiriiirada kala duwan ee hoos-yimaada Gudiga Olombikada  Soomaaliya ay si wada jira uga ganacsadaan Visaha dal-ku-galka iyada oo la istiimaalayo magaca xiriirada kala duwan ee ciyaaraha Soomaaliya.