Iyado Shalay Hay’adaha amaanka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Muqdisho lacag ka timid Magaalada Abu Dhabi ee Dalka Imaaradka Carabta aya waxa arinkaasi ka hadlay Safiirka Imaaradka u fadhiya Soomaaliya.
Safiirka Imaaraadka u jooga Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alhammadi ayaa waxa uu sheegay Lacagtaas in aysan ahayn mid sigaar ah ugu socotay Safaaradooda Muqdisho,balse loo waday Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Lacagtaan oo kor u dhaafaysay 9.6 Milyan oo doolar ayaa Safiirku waxa uu cadeeyay in lagu bixin lahaa Mushaaraadka Ciidamada Imaaraadku ay tababaraan Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo Garoowe oo ka tirsan Maamulka Puntland/
Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in loo wareejiyay Bangiga dhexe isla markaana ay ku socdaan baaritaano ku aadan halka loo waday Shakhsiyaadka ku lugta leh iyo u jeedada laga lahaa.