Sadax ka tirsan Gudiga Golaha Dhexe ee Bankiga Dhexe oo iscasilay

Reading Time: < 1 minute

Sadax ka tirsan Gudiga Golaha Dhexe ee Bankiga Dhexe  (Board of Director)  ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inyt iscasileen kadib markii guddoomiyihii hore   Bandiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi xilka markale loo cusbooniisay  afar sano cusub.

Sadaxda mas’uul ee iscasishay ayaa waxay kala yihiin Sakhawadin Mustafe Maxamed, Cismaan Salaad Gabeyre, iyo Cabdisamad Nuur Xasan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay hawlaha shaqo ee bangiga dhexe.  a

Iscasilaada lama filaanka ah ee xubnaha guddigan ayaa dhalisay walaac iyo hadal heyn ku aadan sababaha ka dambeeya go’aanadooda.

Sida ay ku doodeyso dowlada federaalka, Cabdullaahi ayaa ah rug-cadaa xagga maaliyadda iyo bangiyada, ayaa kaalin muuqata ka qaatay hirgelinta dib-u-habeyn dhaqaale oo muhiim ah tan iyo markii la magacaabay bishii Luulyo 2019.

Dadka ka howlgala Bangiyada ayaa dhankooda ku eedeeynaya Gudoomiyaha in isagu uu ku faanaa shaqo caan ah oo soo billaabatay 1986-kii dowladda Soomaaliya. Waxaa lagu ammaanay inuu taageeray dib-u-habaynta maaliyadda qaranka isagoo ahaa lataliyaha sare ee siyaasadda dhaqaalaha ee Ra’iisul Wasaaraha.

Tagitaanka xubnahan guddiga ah ee khibradda leh waxa ay walaac ka muujisay maamulkeeda iyo habraaceeda go’aan qaadashada, iyadoo dhaqaalayahannada, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo hay’adaha maaliyadda ay si dhow ula socdaan xaaladda si ay u qiyaasaan saameynta ay ku yeelan karto shaqada bangiga.