Sadax ka mida dadkii lagu eedyay weerarkii Jaamacada Gaarisa oo la xakumay

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa shalay xukuntay dadkii lagu eadeeyay weerarkii lagu qaaday Jaamcada Gaarisa. Maxkamada ayaa la soo taagay afar nin oo ku eedeysnaa inay kamid ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ee bishii April ee sanadkii 2015-kii weerarka khasaaraha badan dhaliyay ku qaaday jaamacadda magaalada Gaarissa ee Gobolka Waqooyi Bari

Dadka dacwada lagu soo oogay ayaa lagu eedeeyay in ay dileeen 148 qof ee ku dhintay weerarkaas.  Raggaan oo dhowr jeer oo hore maxkamadda la soo taagay ayaa maanta  maxkamadda Kenya ku cadeeysay in sadax ka mida afartii qof  ee lagu soo oogay dacwada lagu helay danbiga.

Sadaxda qof ee lagu helay danbiga ayaa kala ah Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan,  aiyo Rashid Charles Mberesero. Sadaxdaan kof ayaa xakunka xarigooda lagu dhawaaqi doonaa bisha Juulaay 3deeda.