Sadax horjooge oo katirsan Al Shabaab oo lagu qabtay deegaanka Ceeldheer

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ay gacanta ku dhigeen saddex Horjooge oo ka tirsan Al-shabaab.

War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen saddexdaas horjooge oo ay ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur ee gobolka Galgaduud.

“Howlgalka oo laga fuliyay Deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey ayaa lagu soo qabtay Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow kuwaas oo lacago baad ah Al-shabaab uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa” ayaa lagu yiri Warka.

Gobolka Galgaduud waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-shabaab, kuwaas oo laga qabsaday degaanno badan.