Sadaq John oo ka mid noqday xildhibaanada maanta la soo xulay

Reading Time: < 1 minute

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ahaa Taliyihii hore Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa manata loo soo xulay in uu noqdo Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kadib xulashada goordhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Saadaq Joon ayaa kusoo baxay oo ku guuleystay xulushada kursiga tirsigiisu yahay HOP248, waxaana Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir xulashada kula tartamay Musharax Cabdullaahi Xirsi Diirshe.

100 Ergo ayaa coddeeysay xulashada, isla markaana waxaa Saadaq Cumar Xasan uu helay 81 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Xirsi uu isna helay 17 Cod, 2 Codna waa halaawday, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Galmudug.

Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashada ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, ee kusoo baxay Saadaq Joon oo noqday Xildhibaan.

Xulushada kuraas kale oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ayaa weli ka socota Dhuusamareeb, waxaana Maanta oo khamiis ah halkaas lagu dooranayaa afar kursi oo kursigii ugu horreeyay la doortay.