Sadaq John oo dalacsiiyay kooxdiisii dilka ee xasilinta, kuna biiriyay ciidanka booliiska

Reading Time: < 1 minute

Saadaq John oo RW Kheyre dhawaan u dalacsiiyay in uu noqdo taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu horay u sii kaxeeystay in ka badan 25 qofood oo ah kooxihii ay isaga iyo RW Kheyre  adeegsan jireen  dilalka kala duwan ka dhacayay magaalada Muqadishu. Talaabadaan ayaa waxa ay cadeeynaysaa in  Xassan Cali Kheyre uu ku jiro damac ah in uu koox beeleedkii xasilanta ay shaqadeedii u sii wadato isaga oo markaan isticmaalayso magaca ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa horay loo burburiyay ciidankii nabadsugida NISA ee gobolka Banadir waxa hadda muqato in iyadana la doonayo in la burburiyo ciidanka booliska ee Gobolka Banaadir oo ka amar qaadan doono RW Kheyre iyo wiilka ay ehelka yihiin ee Yahya Cali Hareeri. Dhanka kale Eng Yarisow ayaa u muuqada mid howlgab ah oo magic u yaal  joogo.