Sacuudi iyo Eritereeya oo heshiis wada galay iyo arimaha Soomaaliya oo laga wada hadlay

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Sacuudiga Cadel al-Jubeir ayaa waxaa maalintii doraad ahayd uu booqasho ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritereeya. Wasiirka ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha dalka Eritereeya  Isaias Afwerki dhanbaal fartiin ah oo uu ka wada Boqorka Sacuudiga Salmaan.  Labada dhanac ayaa ka wada hadlay taabagalinta qorshii maalingalinta oo ay labada dhinac horay ugu kala saxiixdeen magaalada Riyaad horaantii sanadkaan. Dowlada Sacuudiga ayaa Malaayiin doolar ku maalgalinta doonta dib u habeenta  iyo dhismaha hay’adaha laf dhabarka u ah dhaqaalaha dalka Eritereeta sida wadooyinka.

Dhanka kale Madaxweyne Isaias Afwerki oo ku hadlaya magaca MW Farmaajo ayaa u sheeigan  wasiir Cadel al-Jubeir in uu  Farmaajo waydiistay in uu dhexdhexaadiyo labda dhinac. Wasiir Cadel al-Jubeir oo ah nin aan hadalka la baqin ayaa u sheegay MW Afwerki in dowladda Sacuudiga go’aan ka qaatay Dowladda Farmaajo diyaarna ayan u ahayn in ay wadahad la gasho. MW Isaias Afwerki ayaa u sheegay wasiirka in uu dhawan safar ku tagi doono magaalada Magaalada Muqadishu isaga oo ka jawaabaya casuumad uu u fadiyay MW Farmaajo.