Sacuudi Carabiya ayaa Sabtidii xukun daldalaad ah ku fulisay 81 qof oo lagu helay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan dilal iyo inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah, waxaana xukunkan uu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ay Boqortooyada Sacuudiga ku fuliso muddooyinkan dambe.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ee ay dowladdu maamusho ayaa ku dhawaaqday xukunka dilka ah, iyadoo sheegtay in ay ku jiraan kuwa lagu helay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan dil loo geystay rag, haween iyo carruur aan waxba galabsan.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah dadka la daldalay ay ahaayeen xubno ka tirsan Al-Qaacida, Kooxda Daacish iyo taageereyaasha fallaagada Xuutiyiinta Yemen.
“Eedeysanayaasha waxaa la siiyay xuquuqdooda qareenimo, waxaana loo dammaanad qaaday xuquuqdooda oo dhan sida uu dhigayo sharciga Sacuudiga inta lagu guda jiro hannaanka garsoorka, kaasoo lagu helay dambiyo badan oo aad u fool xun oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah iyo saraakiil sharci-fulin ah”. Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay.
“Boqortooyadu waxay sii wadi doontaa inay si adag oo aan leexleexad lahayn uga hortagto argagixisada iyo fikradaha xagjirka ah ee khatarta ku ah xasilloonida adduunka oo dhan,” ayay warbixintu ku dartay.
Waxaa muuqata in halkii uu fekerka Xaj jirka ka soo bilowday inay hadda ciribtirkiisu ka soo bilaabatay ayuu yiri aqoonyahan Sucuudi ah. Somaliya ayaa dhib badan ku qabta dilalka iyo qaraxyada la diimeynayo kuwaas oo ay dad badani ku la’adeen, welina sidii loogu le’anayo.