Musharax Saciid Deni oo ka faa’iidaysanayo waayaarganimadiisa doorashada Fedaraalka uu labo sano ka qayb galay ayaa waxa uu la yimid dardar cusub.
Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo 2019 ayaa Magaalada Garoowe Ku soo bandhigay Daah-furka Barnaamijkiisa Siyaasadeed oo ku hogaamindoono Puntland 2019 illaa 2023.
Xafladda Daah-furka waxaa ka soo qeybgalay Siyaasiyiin, Isimadda dhaqanka, Ururada Haweenka, Dhalinyarada iyo wax garad kala duwan, iyadoo ka qeybgalayaasha loo qeybiyey Buugga barnaamijka siyaasadeed ee musharrax Siciid Deni,waxaana si qoto dheer u Sharxay Buuggaas Musharaxa oo ku dheeraaday sida ay ugu go’antahay ka dhabeynta Qorshahiisa.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ka hadlay Xafladda ayaa Sheegay….” Mudane Siciid Deni soo dhawoow, wax badan ayaad dalkan ka soo qabatay, waxaa wax kusoo bartay Dugsiga Nawaawi oo aad aas-aastay, waxaan ahay mirahaagii, runtii Siciid in wuxuu qabtay lagala bakheylo ma’ahan, waa maskaxdii ka dambaysay Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun waan ugu duceyn haddii uu kheyrku ugu jiro xilka Madaxweyninimo”….
Musharrax Siciid Deni mar uu ka hadlay Buugga uu daah-furay ayaa sheegay…..” Barnaamijkaygu wuxuu ka kooban yahay 8 Yool oo kala ah:
Yoolka 1aad: Isbeddel Siyaasadeed oo laga hirgaliyo Puntland 2019-2023.
Yoolka Labaad: Sugidda Amniga Puntland
Yoolka Saddexaad: Dib-u-habeynta Nidaamka Maaliyadda iyo Kobcinta Dhaqaalaha Puntland.
Yoolka Afraad: Bixinta Adeegyada Bulshada.
Yoolka Shanaad: Taabba galinta Garsoor xaqiijin kara Sarraynta Sharciga.
Yoolka 6aad: Daryeelka Deegaanka iyo Xakameynta saameynta Isbeddelka Cimilada.
Ballanqaadyo u gaar ah Dhallinyarada.
Ballan-qaadyo u gaar ah Haweenka, Yoolasha aan hiigsanayo Yool kasta oo kamid ah caqabadihiisa iyo ballan qaadkiisa ayuu idiin soo koobayaa Barnaamij siyaasadeedkaygu”.