Saciid Deni oo ku guuldareystay inuu boobo dhamaan kuraasta taalo Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Saciid Deni oo in mudo ah qorsheynayay in uu si buuxda u boobo kuraasta Xildhibaanada laga soo doorto deegaan doorashada Boosaaso ayaa u muuqata in ayan u suuragalaynin in uu boobo dhamaan kuraastaas laakiin  waxa uu saameyn ku leeyahay qaar kamida kuraastaas.

16 kursi oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bilowga todobaadka danbe lagu doorto magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Haddaba, waxaan  jira qiyaas lagu qiyaasi karo dadka la filaayo inay ku soo baxaan kuraastaas. .

Kursiga Hop#273 ee Beesha Ugaar Saleebaan ( Majeerteen), oo uu horay ugu fadhiyay Cabdi Maxamuud Maxamed, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Kursiga Hop#142 ee Beesha Cali Saleebaan ( Majeerteen), oo uu horay ugu fadhiyay Maxamuud Xayir Ibraahim, waxa loo badinayaa in uu ku soo baxo Ismaaciil Shire Jaamac Buraale.

Kursiga Hop#222 ee Beesha Dishiishe, waxa horay ugu fadhiyay Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana loo saadaalinayaa in uu ku guulaysto Caynaanshe Yuusuf Xasan.

Kursiga Hop#169 ee Beesha Dubays (Warsangeli) ,waxa horay ugu fadhiyay Jamaal Maxamed Xasan, waxaana loo saadaalinaya in ku guulaysto Cali Mahdi Maxamed Qalato.

Kursiga Hop#083 ee Beesha Dishiishe oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Bile Nuur, waxaa la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Bahir Cali (Baxnaan Bashiir).

Kursiga Hop#158 ee Beesha Madhibaan, oo uu ku fadhiyay Cilmi Cumar Cilmi, waxaa lagu wadaa in uu ku guulaysto Mahad Colaad Maxamed.

Kursiga Hop#149 ee Beesha Cumar (Warsangeli), waxa horay ugu fadhiyay Axmed Ismaaciil Maxamed, waxaana lagu wadaa in uu ku guulaysto Maxamed Cabdullaahi Qablan.

Kursiga Hop#227 ee Beesha Cali Jibraahiil (Majeerteen), waxa lagu wadaa in uu mar kale ku soo baxo Cabdicasiis Maxamed Maxamud (Qambi) oo horay ugu fadhiyay.