Madaxweynaha Puntland, ahna Musharrax Madaxweynaha DFS Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka horyimid wareegtooyinkii maanta kasoo baxay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kuwaas oo uu ku magacaabay 20 masuul.
“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.”
“Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.”
Tilaabada uu qaaday Saciid Deni ayaa u muuqata mid uu Madaxweynahiisii uu ka dhigay mid howlgab ah, talana aan ku lahaynin hogaanka Puntland. Talaadadan uu qaaday Saciid Deni ayaa khatar ku ahaan doonta amniga iyo siyaasadda Puntland.