Saciid Deni oo Boosaaso tegaya iyo Amniga oo la adkeeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa aad loo adkeeyaya,waxaana la filayaa in uu maanta booqdo madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa socdaalka uu ku tagi doono Boosaaso ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee magaaladaasi tan iyo markii uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Puntland.

Balan qaadyadii sameeyay madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ahaa in uu sare u qaadi doono amaanka magaalada Boosaaso oo inta badan ay ka dhacaan falal amni darro,marka lala simo magaalooyinka kale ee maamulkaasi.

Ka hor socdaalkiisa Boosaaso,madaxweyne Deni ayaa horay u booqday magaalada Qardho,halkaas oo si balaaran loogu soo dhaweeyay,halka maanta la filayo in si heer sare ah loogu soo dhaweeyo magaalada Boosaaso.