Kulan uu xalay Saciid Deni la yeeshay qaar kamida xildhibaanada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu weydiiyay su’aal uu ka bixiyay jawaab abuurtay xaalad siyaasadeed taas oo ku qasabtay in markii danbe uu Saciid Deni raali-galin ka bixiyo.
Qaar kamida xildhibaanada ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ayaa soo hadal qaaday safar Saciid Deni uu ugu socdo Muqdisho iyo in uu horay u sii kaxeysanayo Qaar kamida xildhibaanada Puntland iyo golahiisa Wasiirada, taas oo curyaaminayaa shaqadii ka socotay Puntkland.
Xidlhibaanada Beesha Dhulbahante ayaa ku tilmaamay talaabada uu Deni ku doonayo in uu Puntland ka soo maamulo Muqdisho mid aan shaci ahayn laguna dhaawacayo awood qaybsiga Puntland, maadaama Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka soo jeedo Beesha Dhulbahante uu noqonayo nin magac u yaal oo aan wax mas’uuliyad ahaynin.
Saciid Deni oo ka xaqaanay su’aasha muhimka u ahayd horumarka Puntland ayaa si xanaaq ka muuqda waxa uu ugu jawaabay beesha Dhulbahante. Taas oo macnaheedu ahaa in su’aasha noocaas oo kale la weydiin karo oo kali ah marka dhulbahante ay ka mid mid noqoto Puntland . Waxa uu yiri “Dhulbahantow marka hore Puntland soo noqda”.
Hadlka ka soo yeeray Saciid Deni ayaa abuuray xaalada keentay in qaar kamida xildhibaanada Dhulbahante ay ka caroodaan, waxa ayna taas keentay in beesha ayanba u muuqan kuwa aanba geynin kurisga madaxweeynaha Puntland.
Saciid Deni oo arkay dhaawac siyaasadeed ee ka dhashay hadalka ka soo yeeray ayaa cudurdaar iyo raali galinka ka bixiyay, laakiin waxba uu kama badalin mowqifkiisa ahaa in Axmad Karaash uu noqdo magac u yaal ku sime ah, Puntland laga soo maamulo Muqdisho.
Saciid Deni ayaa ku soo koobay awooda Axmad Karaash mid magac u yaal ah, Puntland waxaa si joogta ah looga soo maamulayaa magalaada Muqdisho.