Saciid Deni & Axmad Madoobe oo looga yeeray Kenya! Sabab?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  iyo Madaxaweynaha Jubbaland ayaa looga yeeray inay tagaan dalka kenya. Ma cada sabbat rasmiga ah oo ay dowlada Kenya ugu yeertay labadaas hogaamiye, waxaa la sheegayaa in ay la xiriirto arimaha Doorashada.

Axmad Madoobe ayaa hassan ku dugan dalka Kenya. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay safarkiisa ugu baxaya magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. waxaa sidoo kale halkaa uga sii horeeyo wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo ay weheliyaan siyaasiyiin miisaanleh. Wararku waxay sheegayaan in Puntland iyo Jubaland ay halkaas ka wadaan olole ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaanna soo saarista xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!