Sacid Deni oo si rasmi ah ugu dhawaaqayo in uu yahay Musharax Madaxweyne! Maxaa xigi doona?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay ay sheegayso xogo lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL, Sacid Abdulllahi Deni ayaa si rasmi ah dhawaan ugu dhawaaqi doono in uu yahay Musharax u tagaan Jagada Madaxweynaha.

Siciid Deni oo ay in mudo ah u qorsheysnayd in uu qayb ka noqonayo tartanka doorashada madaxweynaha ayaa in ay mudo ah sir u haystay qorshaas.

Saciid oo si farsamaysan ula dagaalay Farmaajo iyo Beeshiisa ayaa hada dareemayo in uu haysto kalsooni uu ku tartami karo maadaama uu mucaaradka iyo Farmaajo labada uu u galiyay colaad dagaal iyo naceyb saameeyay shacabka Soomaaliyeed, shacabka reer Muqdisho.

Su’aalaha dad badan isweydiinayaan ayaa waxaa kamida:

Sdee bay musharaxninada Saciid Deni u saameyn doontaa deganaanshaha siyaasadda ee Puntland?

Maxaa xal u noqo doono mucaaradkii Muqdisho ee horay loo soo isticmaalay si loogu gaaro hadafka gaarka ah?

Farmaajo muxuu samayn doonaa? Ileen waxaa muuqata dagaalka Saciid ku hayay Farmaajo ujeedadiisu ahayd in kurisiga laga rito Farmaajo si Saciid kursigaas u fariiso ?

Maxay sameeyn doonaan beelaha Hawiye ee uu Saciid Deni sida dadban u isticmaalay xiligii kala guurka ahaa, kuna dhiirigaliyay in ay dagaal ciidan ku qaadaan Farmaajo iyo beeshiisa?

Ugu danbeyntii beelaha degan Puntland ee ka baxsan beesha Maxamuud Saleemaan, ma ogolaan doonaan in Puntland iyo Federaalkaba ay hal beel kali ah la wareegto amaba ku tartanto.

Su’aalahaan iyo kuwa kale ayaa hortaagan Saciid Deni iyo damaciisa siyaasadeed?