Sacid Deni oo lagu eedeeyay inuu si sharci daro ah ula wareegay daqliga PHA

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii hay’addaas ay si sharci-darro ah u ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland, taas oo si toos ah u hoos timaada Saciid Deni.

Sidoo kale, wuxu wasaaradaha hawlaha guud, Qorshaynta iyo Maaliyadda in ay la wareegeen shaqadii ay u xil-saarnayd hay’adda waddooyinka PHA. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Puntland ku eedeeyay in ay joojisay dhammaan adeegyadii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaakka, Korontada iyo biyaha islamarkaana hay’adda laga jartay korontadii.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook  ayaa ka horyimid qoraalka guddoomiye Cabdulqaadir Cali wuxuuna sheegay in isagu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda.

“Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu yiri Xayir.

Halkaan ka akhriso qoraalka

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!