Sacid Deni oo dib ugu noqonaya Garowe, xili Puntland qarka u saaran tahay burbur

Reading Time: < 1 minute

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu si deg deg ah uu dib ugu laabanayo magaalada Garoowe. Deni ayaa ku sugan magaalada Muqdisho  halkaas oo uu ka wado ololihiisa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaase intii uu Muqdisho jiray soo baxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash oo ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah ula wareegay xilka Madaxweynaha Puntland.

Lama oga Tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Siciid Deni kadib markii uu ku laabto magaalada Garoowe. Shacabka, waxgaradka iyo salaadiinta reer Puntland ayaa u arka Saciid Deni in uu yahay shaqsi aan rajo ka qabin siyaasada Puntland sidaas darteedna go’aansaday in uu Puntland saaro wadada burburka.