Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa sheegay in dacwadda Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan ahayn mid joojinaysa heshiisyada ay Somaliland gashay ama galayso.
Wareysi uu siiyay BBC, ayaa wasiirka, Sacad Cali Shire, waxaa kale oo uu kaga hadlay arrimo la xidhiira maamulka hawada.
Sacad Cali Shire wuxuu kaloo ka hadlayaa xiriirka u dhaxeeya Somaliland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee deegaannadooda ka hawlgala.
Wasiirku waxa uu ka jawaabayaa marka hore sida ay Somaliland u aragto dacwaddii Soomaaliya ay geysay golaha ammaanka ee la xidhiidhay arrinta saldhigga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo Berbera, iyo maalgashiga DP World.