Sabriye: “idinkaba waa ogtihiin in aan shir lagu najaxo dhacynin, ee yaysan lacagta idin dhaafin”

Reading Time: 2 minutes

Qaar ka mida Xildhibaanada Ceyr iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Sabriye ee Dowlada Fedaraalka oo xalay iyo saakay si gaar ah u kulmay ka dibna inta ayan la kulmin Maamulka Al Sunna iyo Qaar ka mida Dowlada Fedaraalka ayaa waxa ay ka wadahlaheen xaaalada runta ee ka jirta Dhuusamareeb.

Wasiir Sabriye ayaa u sheegay beesha Ceyr in fursad xoog leh oo dhaqaale iyo mid siyaasadeedba soo raadsatay beesha Cayr loona baahan yahay in la isticmaalo fursadaas inta ayan gacanta ka bixin.

Wasiirka ayaa yiri “ Ceyoow idinkaba waa ogtihiin in aan shir lagu najaxo ka dhacynin Dhusamareeb, ee yaysan lacagta idin dhaafin”. Hadalka wasiirka ayaa ahaa in uu ku dhiirigaliyo in beesha Ceyr ay ku qanciyaan AL Sunna in heshiis is afgarad ah oo ku meel gaara oo ay ka bixi karaan hadii ay doonaan la saxiixdaan DFS si  Xasan Kheyre uga baxo dhuusamareebna guulna u sheegto.

Wasiirka ayaa yiri “ war dhulkaan waxaa iska leh AL Sunna cid xoog uga qaadan kartaana ma jirto, hada dowlada Fedaraalka idinka ayaa ay marti idin tahay kuwa imaandoona idinka ayaa ay marti iyo magan idin noqon doonaan, ee fursada yaan la lumin ee walaalayaal, waxa uun naga saxiixa”.

Wasiirka ayaa qadka taleefanka kula hadlay Maxamed Cabdixaliib oo ah ganacsadaha qandaraaska lagu siiyay in uu dhiso hoyga dadka la dajin dono iyo garoonka diyraaradaha isaga oo ku bogaadiyay in uu qanciyo Al Sunna oo ay ogolaadaan in magaalada ayaga hoos timaado ciidan yar oo dowladana lagu barxo kuwaas oo lagu tilmaami doono ciidan isku dhaf ah.

Dhanka kale Mahad Salaad, Xldhibaan Cabdixakiin iyo Senator Jawaahir  ayaa dhamaantood isku qanciyay hadii dhuusamareeb howlaha dowlada loo soo wareejiyo in ay ayagu saamayn ku yeelan doonaan xulista Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug iyo cida madaxweyne ka noqonayso Galmudug, sidaas darteedna ay dantoodu ku jirto in maamulka iyo doorashada Galmudug gacanta ugu jirto beesha Ceyr oo ka koooban Al Sunna iyo siyaasiyiinta beesha ee hada ku sugan Dhuusameeb.

Waxaan la ogaynin in qorshaha beesha Ceyr ay noqon doonto mid suuragalisa in Galmudug yeelato dowlad goboleedka ka tarjumaysa belaha dega degaanadaas.

Xasan Kheyre oo ah qof aan ilaabin dadka is hortaaga qorshahiisa laguna yaqaano aargoosi ayaa isna  wato qorsho uusan hada sheegin laakiin waxa aan shaki ku jirin in si uun uu uga aarsan doono Al Sunna iyo hogaankeeda.