Sababta ay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay dagaalka diblomaasiyadeed ee ay Kenya nagu hayso. (Akhriso)

Reading Time: 4 minutes

Waxaa beryahan si aad ah isu soo tarayay cadaadiska iyo dagaalka dhinac diblomaasiyadda oo ay dowladda Kenya ku hayso dowladda Somaliya. Waxaa ay dadku is waydiinayaan maxay tahay sababta xiligan ku soo beegtay dagaalkan noocan ah. Sidoo kale waxay dadwaynaha Somaliyeed iswaydiinayaan sababta ay uga aamusan tahay arrintan maamulka uu madaxda ka yahay Madaxwayne Farmaajo iyo in Madaxwaynaha iyo Ra’salwasaaraha ay arrintan isku meel uga soo wada jeedaan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladd Kenya ayaa socdaal ay taageero ugu raadinayso mowqifka Kenya ku soo martay in ku dhow labaatan dalka oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan dalalka aan deriska nahay ee Itoobiya iyo Jabuuti. Waxay waxay qaaday tallaabooyinkan:

1. Ururrada Midowga Afrika iyo IGAD ayay u gudbisay dalabyo ay ku dalbanayso in arrintan dacwada laga noqdo.

2. Sidoo kale waxaa codsi u gudbisay Golaha Amniga ee qaramada Midoobay oo ka ka dalbatay in kulan gaar ah uu ka yeesho arrinta ay isku hayaan Kenya iyo Somaliya.

3. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa qaaday olole ay dadkeeda ku baraarujinayso dacwada kala dhaxaysa Somaliya iyadoo u tusinayso in ay Somalia ku soo gardarootay dalkoona ayna tahay in iska difaacaan.

Haddaba waxaa is waydiin xukuumadda dowladda Somaliya maxay arrintan uga aamusan tahay?. Maxay uga jawaabi la’dahay dagaalka diblomaasiyadeed ee lagu go’doominayo dalkeena? Maxay umadda Somaliya ugu baraarujin la’dahay xaaladaha jira? Maxay warbixin u siin la’dahay Baarlamaanka, Warbaahinta, iyo waxgaradkeeda si ay uga qayb qaataay dadaalada lagu difaacayo danaha dalkeena. Ogow ma jirto wax hawl ah oo arrintaan ku aadan oo socotaa oo ay dowladeenna waddaa.

Haddii aan dib u milicsano xudunta arrinta ay salka ku hayso dagaalka diblomaasiyadeed ee ay Kenya ku hayso Somaliya wuxuu la xiriiraa dacwad ay dowladda Somaliya ka gudbisay dowladda Kenya xilligii dalka uu Madaxwaynaha ka ahaa Mudane Xasan Sheikh Maxamud. Inta aanan dacwada la gudbin ayay 2014 dhowr jeer  labada dal ka wada hadleen arrinta la xiriirta Ku soo garadrrooashada Kenya ee xuduuda baddeenna. Kulamadaas oo heer Wasiir ah ayaa waxaa dhinac Somaliya uga qayb galay Wasiirkii Arrimaha dibadda Abdirahman Bayle iyadoo dhinac Kenya ay uga qaybgashay Amina Maxamed oo ahayd wasiirka Arrimaha dibada ee Kenya. Kulamadaas ma aanay suurtagelin in ay labada dhinac ku hashiiyaan halka ay noqonayso xuduuda badda ee Kenya ay rabto in laga dhigo jeexo. Somaliyana ma oggolaan Karin taako baddeeda ka mid ah inay Kenya qadato.

Xukuumada Kenya oo iyadu horay xaraash ugu bixisay qaybo ka mid ah xaduuda baddeenna ayaa ka dhaga adeygtay in laga wada hadlo goobaha ay iyadu horay u bixisay. Xukuumadda Madaxwayne Xasan Sheikh oo dareentay in ay Kenya meermeerinayso ayaa go’aansaday in ay dacwad ka gudbiyaan dowladda Kenya oo ay ku kala baxaan sida uu qabo xeerarka caalamka.

Xukuumadda Xasan Sheikh ayaa ku dadaashay in ay hesho taageero diblomaasiyadeed dacwada ay ka gudbisay Kenya, waxaa ay xiriiro la samaysay dowladdaha gobolka iyo kuwa aan saaxiibada nahay. Sidoo kale xukuumadda waxay ku dadaashay in shacbiga, Baarlamaanka iyo Maamul goboleedyadaba ay arrinta la socodsiiso oo waxaa laga qeybgeliyey dacwadda inay dhageysigeeda goobjoog ka noqdaan xataa ururada Bulshada  Rayidka ee ah cidda sida tooska ah uga wakiil ah shacbiga.

Dacwada oo dhowr marxaladood soo martay ayaanan marna sababin in uu xiriirka labada dal ee Kenay iyo Somaliya oo hoos ugu dhaco sida manta hoos ugu dhacsan yahay. Su’aasha la is waydiinaya ayaa waxay tahay sababta Kenya ku dhiira gelisay in dagaalkan diblomaasiyadeed xiligan soo qaado.

Dadka wararka odorooska dhowr sabab ayay ku salaynayaan:.

1. Kenya oo u aragta in xukuumadda maanta Somaliya ka jirtaa in ay aad u tabar daran tahay marka loo fiiriyo xiriirka ay ka leedahay dalalka dibadda iyo kan ay la leedahay maamulada dalka ka jira iyo guud ahaan shacbiga oo aan ku kalsooneyn, kuna bartay inay xaaladaha ka been sheegto.

2. Kenya oo ka xanaaqay ballanqaad ay kooxda Madaxwayne Farmaajo horay ugu balanqaadeen in ay dacwada ka soo celinayaan Maxkamadda looga baxay.

3. Waxaa jira warar sheegaya in Kenya ay dhaqaale ku bixisay, taageerana siisay Madaxwayne Farmaajo xiligii uu doorashada ku jiray, una aragto inuu u gudo oo uu ka joojiyo dacwadda badda.

Wasiiradda Arrimaha dibadda Monica Juma oo xiligii ay doorashadu ka socotay Somaliya ahayd Xooghayaha Joogtada ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa la rumaysan yahay in qayb ka ahayd fekerkii ay Kenya ku taageertay Farmaajo waana tan hadda sababtay in ay iyadu hugaamiso dagaalka ay Kenya ku hayso Somaliya. 

Sirdoonka Kenya ayaa xiriir dhow la leh RW Khayre iyo xafiiskiisa. Gabadha la yiraahdo Samiira Gaydh oo ah Lataliyaha Amniga ee Khayre waxy horay uga soo shaqaysay Xafiiska Madaxwaynaha Kenya, waana gabadh ay dhalashideedu tahay Kenyan. Samiira waxay horay uga shaqayn jirtay AMISOM, taas markii dambe laga soo eryay ka dib markii la ogaaday in ay wararka AMISOM u gudbiso wardoonka Kenya. Sidoo kale Xaaska ay dhalashadedu tahay Kenyaanka ee uu Khayre guursaday doorshada Madaxwayne Farmaajo ka dib ayaa la rumaysan yahay in iyaduna la shaqayso wardoonka Kenya.

Isu soo duub, waxaa jira dareen ah in dowladda Somaliya wax si ka yihiin oo ay aad uga gaabisay difaaca danaha dalkeena, iyadao la ogyaahay sida ay ugu dhiirran tahay la dagaalanka iyo burburinta maamul goboleedyada iyo mucaaradka gudaha. Waxaa cad in ay xukuumadan ka khaldan tahay mudnaanta oo dadaalkii looga baahnaa in ay ku dhowrto qarinamada dalka ay ku bixinayso caburinta dadka ka soo horjeeda qaabka ay wax u maamulayso ee dowlad iyodal midna diidaneyn.

Gunaanadki dada badan ayaa aaminsanaa in MW Maxamed Cabdullahi Farmajo uu yahay nin waddani oo dalka jecel aadna u neceb dalka Itoobiya, hasa yeeshee waxaa caddaatay inay taas been tahay oo uu yahay shakhsi ay ku adaga tahay inuu hogaamiyo dal ay ku xeeran yihiin waddamo siyaasad, dhaqaale iyo ciidan ahaanba ay xoog badan yihiin, ilsa markaana uu dadkiisu kala shakisan yahay oo booga badan uu qabo.

Waxaa haboon in talada Barlamanka loo celiyo lana dhiso dowlad wadaag ah oo samata bixisa dalka inta doorashada 2020 laga gaarayo ama la soo hormariyaba.