Saaxibada Qiyaano Qaran oo Weerar Ku Ah Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare Xubno Ka Tirsan

Reading Time: < 1 minute

Iyado dhawaan Doorasho dhacday uu kuso baxay Maxamed Mursal oo noqday afayahenka Golaha Shacabka aya waxa ay haatan Kooxda Qiyaano iyo Fuliyohooda Cusub ee Golaha Shacabka aya waxa ay ku heshiiyeen qorshayaal cusub oo halis ku ah Nidaamka Sharciga ee Dalka.

Kooxa Qiyaano Qaran ayaa go’aan ku gaartay iney eriso cid walbo oo Saaxib la aheyn sidii Jawaari oo kale.

Waxa ay qorsheynayaan in markaan la diyaariyo mooshin ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka Labaad ee golaha Shacabka Mahad cabdala Cawad iyo xubno kale oo dhanka Aqalka sare ah.

Kooxdan ayaa sido kale dooneysa in ay afduubto awoodaha hay’adaha dowladda, islamarkaana wax walbo loo sameeyo sidii ay doonaan.

Waxa ay kooxdan dooneysa in dalka ay galiyaan nidaam kali talisnimo ah oo ay wataan Kheyre,Farmaajo iyo Fahad Yasiin.