Saaxafadda oo laga yaabo in kulanka berito ee baarlamaanka dibadda looga saaro?

Reading Time: < 1 minute

Wararka caaawa laga helayo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegayo in berito laga mamnuucayo saxaafadda gaarka ah in ay si toos ah u tabiyaan kulanka Baarlamaanka. Xassan Kheyre ayaa caaawa ku wargeliyay Gudoonka Baarlamaanka in aan berito loo ogolaan saxaafada in ay joobgoog ka agaat kulanka Baarlamaanka ee su’aalaha lagu weydiinayo mas’uuliyiinta amniga.

Wali lama oga in saxaafadda berito loo ogolaanayo soo tabiya kulanka golaha shacabka  iyo in kale. Xukuumada ayaa waxa ay ka baqeysaa in kulanka berito uu abuuro kacdoon shacab. Beriro ayaa la ogaan doonaa in gudoonka baarlamanka laga xukumo xafiiska RW iyo in ay xur u yihiin shaqadooda.