Saameynta Taban ee MOU-da Abiy iyo Muuse Biixi oo Durbaba Hargeysa laga Dareemay

Reading Time: 2 minutes

Xog ay heshay MOL ayaa sheegeysa in kooxda Khawaarijta ee nabad-diidka ah oo u dirtay Sahan dhallinyaro iyo da’a dhexaad ah oo tobaneeyo gaaraya dhamaan gobollada “ Somaliland” oo ay ugu yeereen “walaayada Somaliland”
Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kasoo safray dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, laakiin ma sheegin tirada weli ku maqan dhamaan gobollada Somaliland. Waxaa jirta cabsi xooggan oo dadku qabaan inay xaaladdu si degdeg ah isu badali karto.
Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay iska gaashadeen hay’adda iyo ciidanka milatariga Somaliland lagu soo qabtay xubnaha Al-Shabaab.
Xubnaha gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban todobo qof oo isugu jiro rag iyo dumar, sida lagu sheegay warka qoraalka ah.
Todobada qof ayaa laba kamid ah waxa ay yihiin dumar, kuwaas oo ay Somaliland sheegtay inay xasaas u yihiin Amiiro ka tirsan Al-Shabaab.
“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab” ayaa lagu yiri warka uu soo saaray maamulka Somaliland.
Arrinkaan waxaa aad uga digtay dowladda Federaalka Somaliya, dhowr jeer ayuuna dhowr meelood ka sheegay MW JFS in arrinkaan uu kordhin karo inay khawaarijta oo hadda koofurta ku eg ay ku baahi karto waqooyiga oo ilaa iyo hadda nabad ahaa.
Khawaarijta Koofurta Somaliya hadda waa ku go’doon laakiin mar haddii ay waqooyiga u gudbaan waxay kaalmooyin hub iyo lacagba ka heli karaa Daacish iyo Alqacida, iyo sidoo kale Xuutiyiinta Yaman, taas oo keeni doonta inuu gebi ahaan xermo marinka Badda cas ee isku xera ganacsiga dunida.
Si kastaba, qabashada xubnahan ayaa kusoo aadaya, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay dhowaan digniin culus kasoo saartay heshiiska badda ee uu Muuse Biixi la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Arrinkan waxaa uu saameyn weyn oo taban ku yeelanayaa waqooyiga oo dhan oo haddaba la daalaa dhacayo dagaallo sokeeye iyo ficiltan keeni kara gacan ka hadal oo ay khawaarijta ku dhex dhuuman karaan.
Is afgaradkaa khiyaanada ah ee Muuse uu saxeexay waa khater weyn oo Somalinimada iyo maamulkiisaba ku keeni karto dhibaato badasha kharidada geeska Afrika iyo inuu go’o marinka Badda Cas.
Si wax looga qabtaana waa:
1. In Itoobiya ay ka noqotaa si cadna u sheegtaa inuu khalad ahaa islamarkaana ay dhowreyso madaxbannaanida Somaliya.
2. Inay si fagaare ah ugu caddeyso shacbiga Somaliyeed si aysan kooxaha khawaarijta oo xataa Itoobiya wax yeeli kara uga faa’iideysan tallaabadan khaldan ee la qaaday.
3. Caalamka waa inuu ku baraarugaa in MOU haddii la isku dayo in la dhaqan geliyo ay keeni karto inay gobolka ka huriso colaad cusub oo ku baahda bariga dhexe iyo badda cas oo cawaaqikeeda lawada garan karo.