Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan”Saadaq Joon” ayaa xafiiskiisa ku dhex feeray Sargaal ka Tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka dib markii ay ku kala aragti Duwanaadeen arrin la isku qabtay.
Talaabada uu qaaday Saadaq Joon ayaa ah mid ka baxsan sharciyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed,waana mid uu ku muteeysan karo Garaado dhimis iyo xarig hadii si sharci ah loo abbaaro
Sargaalka la Feeray ka dibna Ilaalada lagu dalbaday ayaa lagu magacaabaa Col Daahir Maxamed Tuuryare oo Xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Booliska.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Xijaar ayaa shaqo joojin ku sameeyay Saadaq joon sidoo kale waxaa lagusoo waramayaa in Xabsi Guri laga dhigay,Falkaan ayaa ah mid ku cusub Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu yaqaan Ilaalinta sarreeynta Sharciga.
Xogta aan helnay ayaa waxaa ay intaasi ku dareeysaa in Col Daahir Maxamed Tuuryare uu ku wargeliyay in uu ruqseeysanaayo hadii aan talaabo laga qaadin Saadaq Joon oo horay u geeystay falal kala duwan oo guracan.
Sidoo kale Wararku waxaa ay sheegayaan in Col Daahir Tuuryare in uu ka mid yahay Saraakiil Firfircoon oo Taliye Xijaar kala yimid Military-ga islamarkaana isbedel ku sameeyay Hoggaanada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Go’aanka Laga qaadan doono Saadaq Joon ee la xariira falkaan lama ogo balse waa shaqsi si aad ah Nabad iyo Nolol ugu adeego oo horay ugu fuliyay falal kale oo aan loo riyaaqin sida Guriga siyaasiga Mucaaradka ah ee C/raxmaan C/shakuur Warsame .
ISHA: Ceeldheer News