Sida ay sheegayan wararka aynu ka heleeyno Degmada Balcad waxaa halkaasi dirqi uga soo baxsaday taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka banaadir saadaq Joon ka dib markii ay go’aansadeen Ciidamo gadoodsan in ay toogtaan.
Ciidanka milateriga ee maanta ka soo baxay furimaha dagaalka ayaa caawa fiidkii hareereeyay gaari uu saarnaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq John oo ka mid ahaa wafdigii Wssiirada iyo Saraakiisha ee maanta gaaray Balcad.
Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa sheegay inuusan Taliye Saadaq ka tagi doonin degmada Balcad, illaa la siiyo Qoryo lagala wareegay xilligii howlgalkii Xasilinta Muqdisho.
Mol ayaa loo xaqiijiyay in saadaq Joon uu hoos galay mas’uuliyiintii la socday islamarkaana uu gabbaad weeydiistay
Intaas kaddib Wasiirka Amniga Islow Ducaale ayaa xaalada soo farageliyay, kana dalbaday Taliyaha Ciidamada inay xaalada dejiyaan, wixii qori ee ka maqan uu isaga bixinayo.
Arrintaan ayaa waxaa ay kuu cadeeyneeysaa fashilka dowladnimo ee jira iyo sidoo kale damiirkooda