Saadaq Joon iyo Kheyre oo galabta amray in la soo xiro goobaha lagu daabaco Boorarka

Amar ka soo baxay Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxa lagu amray Saadaq Joon in uu soo xiro goob kastaa oo lagu dabacayo boorarka Mudaharaadka la filayo in uu berito ka dhaco Magaalada  Muqdisho.

Qaar ka mida madbacadaha kooban ee gaarka loo leeyahay ee ka howlgala magalaada Muqdisho ayaa lagu amray in ayan daabicin boorar ama qoraalo la xiriira Banaabax looga soo horjeedo dowlada.

Goobaha qaar ayaa waxa la dhigay askar dhar cad ah si u hubiyaan in aan wax dabacaad ah ka socon goobadaas. Mid ka mida Milkiilaha madbacadaha oo naga codsaday in aan qarino magaciisa ayaa sheegay in talabada ka soo yeertay Kheyre ay tahay cunaqabeeyn dhaqaale. Waxa uu yiri “… anaga waxa aan u furnahay in aan bulshada u adeegno, waxaan nahay ganacsato ka faa’iideysta fursadaha wax lagu daabaco, xaqna ma aha in cunaqateeyn nagula sameeyo”. Waxa uu intaas ku daray “hadii dowlada ay doonayso in ay joojiso mudaharaad ha raadsato kuwa abaabulka wado laakiin anaga qof Soomaali ah oo doonayo in ay shaqo u qabano xaq ma aha in nalaga horistaago”

Ganacsi badan oo ka jira magaalada Muqdisho ayaa albaabada loo xiray ka dib marka ii ay waayeen shacab ay ka iibiyaan ganacsigooda maadaama magaalada kala xiran tahay.

Sida MOL loo xaqiijiyay gudiga abaabulka mudaharaadka ayaa helay fursad ay ku dabacdaan boorarka iyada oo ayan dowlada ogaan karin halka lagu daabacayo iyo qaabka loo daabacayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here