Taliyihii hore ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa Saadaq Cumar Xasan (Joon) ayaa maanta la guddoonsiiyey shahaadda musharaxnimo ee Kursiga HOP248 oo Berri Doorashadiid ka dhcii doonto magaalada dhuusamareeb.
Guddoomiyaha guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa shahaadooyinka musharaxnimada xildhibaan gudoonsiiyey Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) iyo muhsarax la tartami doona o lagu magacaabo Cabdullahi Xersi Diirshe.
Kursiga HOP248 waxaa hor ugu fadhiyey Maxamed Axmed Abtidoon, laakiin waxaa looga reebay markii Aqalka Sare loo wareejiyey qoondadii beeshiisa.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa taageero siinaya Jen. Saadaq Joon oo la hubo inuu kusoo bixi doono Doorashada Kursiga HOP248.