RW Xassan Kheyre oo jawaab yaab leh ka baxshay Codsigii Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

MD Farmaajo oo waji gabax kala kulmay safarkii Xassan Cali Kheyre ku tagay Dalka Imaaradka ayaa waxa uu la yimid codsi hor leh.

RW Kheyre oo lagu yaqaano Khayaano, been abuur iyo xishood la’aan ayaa xoog ku marsiiyay  MD Farmaajo in uu safar uusan raali ka ahayn ku tago dalka Imaaraadka.  Safarkaan oo ah mid gacansi iyo dan gaar uu Kheyre ka leeyahay ayaa waxaa la soo gabagabaynayaa maalinta Khamiista.

MD Farmaajo ayaa waxa uu ka codsaday RW Kheyre in marka uu dalka ku soo noqdo uu  qabto shir jaraa’id  kaas oo uu ku sheegayo in uu mowqifkii dowlada ee ku aadanaa arimaha khilaafka Khaliijka aan waxba iska badalin. MD Farmaajo ayaa waxa uu guul ka raadinayaa in RW Kheyre  cadeeyo in uu wali la socdo fakarkii Madaxweyne Farmaajo.

Warar hoose  oo ay heshay Muqdishu Online ayaa sheegaya in uu RW Kheyre qaban doono shir jaraa’id basle uusan marnaba ka hadli doonin khilaafka khaliijka laakiin uu sheego doono in kulamadii uu ku soo galay dalka Imaaraadka guul laga gaaray.

Waxaana shaki ku jirin in MD Farmaajo albaabada laga soo xiray, sharafkiisa iyo karamadiisii lagu tuntay. Kheyre ayaa sheeganayo in uu wixii Farmaajo ku fashilmay sadax safar uu isaga guul ka keenay. Gushaas been ku sheega ah ayaan shaki ku jirin in ay horseedi doonto colaad hor leh oo ka dhexdhelata hogaanka dalka.