RW Xamza oo booqanaya Minnesota, una Warrami Doona Somalida Halkaas ku nool.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magaalada Meneeapolis ee Dalka Mareykanka socota qaban qaabo aad u weyn oo lagu soo dhaweynayo RW Jamhuuriyadda FS Mudane Xamza Cabdi Barre, taas oo ay si aad uga hadleen warbaahin waaweyn ee dalka Markeykan.

RW iyo wafdiga muhiim ah EE la socdaa waxay gaarayaan maanta oo Axad ah Magaaladaas kadib markii ay ka soo kicitImaan magaalada New York xaruunta qaramada Midoobay , halkaas oo uu kaga qeyb galay shirka Sannadlaha ah ee golaha guud ee loo dhan yahay , halkaas oo uu ka jeediyey Khubad aad u qiima badan oo taabaneysay dhinacyo badan, gaar dowladiisa oo dagaal kula jirta kooxaha khawaarijta, rabtana inay dalka ka cirib tirto si Somaliya ay kheyrkeed ula jaan qaado, soona ceshato mansabkii buuxay ee ay dunida ku lahayd.

Intii ay dowladdaan ay hogaaminayaan MW Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW Xamza Cabdi Barre dadka Somaliyeed waxaa  soo gashay rajo aad u weyn inuu dalkooda noqon karo muddo dhow dal ay dadkiisu si xor u noolaadaan iyagoon ka baqeyn in lagu dilo goobaha cibaadada, kuwa ganacsiga ee quudka caruurta looga raadsado iyo jidadka laba doodaba loo maro.

Dhinaca kale,  dowladda RW Xamza waxay waddaa dib u habayn maamulka iyo hay’adaha maaliyadda dalka waana markii ugu horreysay oo garsoor furan la horkeeno eedeysanayaal loo haysto musuq maasuq  iyo wax is adaba marin. Tiiyo haddana ay labada hogaamiye amareen in eedeysanayaasha loo cadaalad falo oo maxakamadaha toos loo daawado.

RW Xamza waxaa shacbiga dhiirran, kulkulul oo waddaniyiinta ee ree Minnesota  waxay ka sugayaan inuu uga warrami doonaa xaaladaha dalka iyo Meesha uu dalkodu marayo  sida dhinaca:

  1. Ciribtirka Khawaarijta oo aysan dowlad ku dhiirrata hadda ka hor.
  2. Dhaqaalaha iyo Maamulka Maareynta maaliyadda.
  3. Dhinaca dhisidda hay’adaha dalka iyo in shaqada loo diro cid ku haboon.

RW Xamza oo waxaa uu saacadaha soo socda kula hadli doonaa reer Minnesota hoteelka weyn ee  Doubletree Hotel in Bloomington, waxaana booqashadiisa iyo imaatinkiisa si fiican uga sii hadlayey warbaahinta Mareykanka ee Magaca leh, iyagoo muujiyey saameynta ay yeelan karo booqashadaas.