RW Xamse oo u dhoofay dalka Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Waxaa la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha  inta uu joogo Jabuuti waxa uu kulamo ku saabsan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti.