RW Xamse oo Puntland ku eedeeyay inay fashilisay qorshaha deyn cafinta

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hadal uu xalay ka jeediyay magaalada Muqdisho ku dhaliilay Dowlad-goboleedka Puntland, in aysan door muuqda ka ciyaareyn hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay in deyn-cafiska Soomaaliya ee Bulshada Caalamka ay halis ku jirto haddii aysan Puntland arrintan kala shaqeyn Dowladda Soomaaliya. Hadlka Ra’iisal Wasaaraha ayaa ay ka muuqatay inay beesha caalamka sharuud uga dhigtay waqtiyeynta deyn cafinta in dowlada federaalka la heshiiso dowlada goboleedyada, gaar ahaan Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad ku qabsoomtay degmada Kaaraan oo kor loogu qaadayey kalsoonida shacabka iyo la shaqeynta ciidammada, laguna dhiirri gelinayey Hay’adaha Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan