Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa 24 saac kadib magacaabay guddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee Qaraxyadii qasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay .
Qoraal ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona howlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:
- Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
- Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
- Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
- Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin
- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
- Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin
- Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin
- Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
- Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
- Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn
Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:
1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.
3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka