RW Rooble oo tababar u furay Guddiyada doorashooyinka

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah.

RW Rooble ayaa gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka ayaa dib ugu laaban doona degaannada dowlad Goboleedyada, si loo bilaabo howlaha doorashooyinka halka qaar ay Magaalada Muqdisho ka bilaabi doonaan doorashada labada Aqal.