Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland) ka guddoomay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Musharaxiinta 24-ka ah ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.
Liiska musharaxiinta ee ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa ku yimid cadaadis uu maalmihii u dambeeyay arrintaas ku saaray Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyeen.