RW Maxamed X Rooble ayaa saaka fuliyey mid ka mid ah qodobadii loo keenay oo ah inuu doorashada u boobo Farmajo. Is doorasho koox dooran oo uu halhaleel ku qabtay ayuu ku shaaciyey inay tahay guul uguna hambalyeeyey si deg deg ah u Guddoonka garabka is doortay ee Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo maanta isku doortay Muqdisho.
Qoraal u diyaarsanaa doorashada ka hor inta la is dooran ayuu Xafiiska R/wasaaraha soo saaray kaas oo uu ugu hambalyeynayey doorashada khilaaf hareeyay oo uu isagu amray inay sidaan u dhacdo. Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka RW uu kula booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dardar galiyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.
Inkastoo ay maalmo tirsan u hareen RW Rooble ayaa sheegay inuu sii wadi doono waanwaantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland oo ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo RW ku xigeen Mahdi Guuleed, waasa yaabe maxay tahay dhexdhexaadinta uu sii wadayo haddiiba uu Mahadi Guleed wada siiyey guddigii, iyadoo Mahdi uu yahay ninkii na yiri Faramjo ayaan wareegga koobaad ku soo saarayaan
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Rooble uu si cad ugu biiray guddig doorashada ee Farmajo oo uu awalba inkirayey inuu ka qeyb yahay waxaanu si cad ula kala saftay labadii Garab ee siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, halkii uu dhexdhexaad ka noqon lahaa.
Qoraalka Rooble Halkaan ka akhriso.
Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey xubnaha Guddoonka Gudiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay. Ra’isul Wasaaraha ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.
Somaliya Allaa u maqan, waxaana muuqata inay sii dhimaneyso rajadii yareyd ee laga qabay inuu Rooble qabto doorasho heshiis lagu yahay, waxaana muuqata inuu si cad u iclaamiyey inuu rabo in doorashada loo boobo Farmajo, lama oga waxa ay ka yeeli doonaan mucaaridka oo qaarkood ay ku hanjabeen inaysan yeeli doonin doorasho boob ah iyadoo maanta si aan mugdi ku jirin loogu muujiyey in waddadii boobka cagta la saaray.