RW Rooble oo lagu eedeeyay in uu duulaan ku yahay shacabka uu ku matalo dowlada

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo xaalada dagaal ee magalaada Muqdisho ay marayso xaalad halis ah ayaa Ra’iisal Wasaare video laga soo duubay waxa uu ku sheegay in ciidanka dowlada ay soo afjaraan dagaalka ka jira Muqdisho.

Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadlay dagaalkii 24-kii saac ee u dambeeyay dhex-maray ciidamo kala taabacsan madaxda mudo xileedku ka dhamaaday ee dowlada federaalka iyo ciidamada Musharaxiinta oo garab ka helaya kuwa kasoo hor-jeeda mudo kororsiga.

Fiqi ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii uu ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta kaga fal-celiyey dagaalladii ka qarxay magaalada Muqdisho, kaasi oo faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta, xili ay xiisad taagan tahay.

“Xalay fariintii halka daqiiqo ahayd ee timid dagaal 24 saac qiyaastii socday ka dib, kama turjumayn dareenka dadka Muqdisho iyo kuwa uu raysulwasaaraha u yahay Rooble oo weeraro gardarro ah oo muddo kordhin xukun oo qasab ah daba socday lagu qaaday hogaamiyaal diiday muddo kordhin sharciga hareermarsan,” ayuu yiri Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa dagaalladdaan la xiriiriyey kuwii 1991-kii, wuxuuna yiri “Dagaalkii 1991 Marka uu socday oo madaafiicda laga ridayey Villa Somalia ay guri walba ku dhacaysay waxaan xusuustaa madaxdii Villa Soomaalida fadhiday waqtigaas waxay lahaayeen: beeraha hala fasho, nabadda halaga shaqeeyo”.

Waxaa uu ku baaqay in Rooble uu kaalin ka balaaran middii xalay uu ka qaato xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho oo ay isku faro-saareen ciidamo kala taabacsan mucaaridka iyo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.

“Raysulwasaaruhu inuu kaalin intaas ka balaaran cayaaro waa laga sugayey, hadal ka duwan kan wasiirkiisa amniga waa laga sugayey laakin marnaba loogama fadhin inuu dafiro waxa keenay isku dhacyada hubaysan iyo inuu amaano ciidamo amar qaldan fulinaya oo magaalo xasiloon qalalaase ka samayanaya kuwaasoo furimihii Alshabaab laga soo bixiyey!.”

“Sida hala isku dhaamo, dhiigga dadka Muqdisho oo qulqulaya madaxtinimada lagu dhex sheegto waxaan magac xumo ahayn laga dhaxli maayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Fiqi.