RW Rooble oo Khater weyn ku dhacay;

Reading Time: 2 minutes

Hogaaminta Ammaanka ayaan waxaa loo celiyey Farmajo waa khater weyn oo uu lugaha la galay Rooble. Wadahalka RW Roble iyo M. Farmajo ee la bogaadinayo waa tallaabo horay loo qaaday oo laga filayo inay abuurto jawi lagu ay labadooda ku wada shaqeyn karaan oo doorashad lagu qaban karo sida ugu dhakhsaha badan. Waxaa laga soo saaray qodobbo afka ku wanaagsan laakiin marka hoos loo dhugto aan wax fiican  oo nuxur ah aan soo kordhineyn inay ka daraan maahee.

MOL oo mar waliba waxkasta oo ay Farmajo iyo NN ka qorto ay ugu dambeynta  rumoobayeen ilaa 2017 waxa u muuqda khater weyn oo lugaha lala galay.

Haddaba maxaa dhacay oo dhibaato keeni kara cabsina nagu haya:

1-Dhammaan ammaankii waxaa loo celiyey inay hoos tagaan Farmajo, gaar ahaan hay’addii dhibaatada ka dhalatay ee loo isku haystay NISA oo la yiri waxaa sii haynayo ninka loo haysto inuu ku lug lahaa dhimashada Ikran Tahliil oo la leeyahay waxaa laga rabaa inuu isaga isbaaro, Farmaja iyo hadda oo uu Rooble ku biirayna ay ku heshiiiyeen inuu tirtiro dhamaan raadkisa iyo waxkasta oo mujinaya fal dembiyeedkii dhacay.

2- Farmajo ayaa soo magacaabaya taliye cusub inta ka horreysa waxaa sii xukumaya Yasin Farey, tan oo ah ka dar oo dibi dhal waayo Farmajo ma soo magacaabayo qof waddani ah oo xaq ilaalinaya, haddii lagu khsabana waxay qaadanee muddo dheer.

3- Sidee Caddaalad ku helysaa Ikran haddii ninka lagu tuhmayo inuu dilkeeda ku lug leeyahay uu hogaaminayo hay’addii uu dilka gabadhaas yar u adeegsaday oo la rabo in la baaro.

4- Farmajo oo la hubo inuusan rabin seddex artimood; Doorasho xor ah, Caddaaladda Ikran iyo Ammaanka dalka oo mar kale uu Rooble nafta ku soo celiyey.

Isku soo duub RW Rooble waxaa uu ka weecday waddadii lagu aaminay waxaana muuqata inuu aqbalay wixii looga shaki qabay aoo ah inay Qatar u soo yeerisay haka gaddo oo xoogaa jeebka ha u soo geliso, ama ha soo handaddo ama labadaba ha isugu dartee Farmajo iyo Fahad ayaa markale gacanta loo galay oo Doorasho dhawaan dhacda, Caddaalad Ikran hesho  iyo amaan waxaa galay malagood. Wasaaradda amniga gudaha waxba maaha haddii ciidanka meel kala laga amarayo xogta, xuuraantana  iyo hawlgalka ay cid kale gacanta ku hayso