Ra’isulwasaaraha JF Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in xaaladda dalka halis ku jirto loona baahan yahay in la badbaadiyo. RW Rooble waxaa uu si cad farta ugu fiiqay in
tallaabooyinka uu qaaday Xalay iyo Maanta Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay inay yihiin isku day Afgambi oo halis dalkaan galinaya haddaan wax laga qaban oo la hor qabateyn.
“ Talaabooyinka uu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka iyo sharciyada dalka u yaalo” ayuu yiri RW Rooble. Sidoo kale waxaa uu RW Rooble shegay in Farmaajo uu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska R/wasaarahada dalka iyo xaruunta Golaha Wasiirada oo uu ciidan hubeysan ku qabsaday, haystayna saacado kooban.
RW ayaa shacbiga u sheegay Farmajo “ Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay ee Bishii April ee Dalka lagu dumin rabay”.
La Wareegidda Hogaanka Ciidanka Qalabka sida
Marka la eego qodobada uu R/Wasaaraaha ku eedeyey MH Farmajo waxay muujinayaa inuu khater ku yahay qaranka, qaadayna tallaabooyin aan fiyoobi lagu sifeyn Karin Farmajo . RW oo arrinkaas si edebsan uga hadlayaa laakiin ay sharciyad ka muuqato waxaa uu yiri “ Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.
Halkaas waxaa ka muuqata in maadama uu RW ogyahay in MH Farmajo uu musharax yahay, sidaas darteed inuusan amri Karin ciidamada qalabka sida si ay u dhacdo doorasho loo siman yahay, waayo ciidanka waa kuwa u xilsaaran ammaanka doorashada iyo habsami u socodkeeda.
RW Rooble oo arrinkaas ka hadalayaa waxaa uu yiri “ Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’ideysto musharxnimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.
Dad badan ayaa waxay kudoodayeen in arrinka yahay Khilafka u dhaxeeya Farmajo iyo RW Rooble. Dhab ahaantii waxa jira khilaaf maaha ee waa dagaal uu Farmajo ku wadao doorashada iyo dhammaan dadka Somaliyeed marka waa in US, UK and EU ay joojiyan erayada khaladka ay oo marin habaabinta ay oo ay isticmaalayaan kuwaas oo ah (Dispute) is maandhaaf ama muran iyo kala aragti duwanaan (Difference).
Sidoo kale saxaafada Somalid waa inay ka fogaadaan erayada aan sax ahayn oo ay isticxmaalayaan si xalka uu jidka uga lumo. Khilaaf laba qof ama laba xafiis u dhaxeeya maaha waxa socda ee baadbaadin qaran oo uu RW Roble wado iyo Burburinqaaran oo uu Farmajo wado, cid kasta oo Faramjo kula safataana waa in lagula xisaabtamaa.
Shirka Glaha wadatashiga
Shirkan waa in golaha wada tashiga oo dhan ay ka soo wada qeyb galaan maadaama looga hadlayo arrimo masiiri ah, ciddii qabtaa dood ay rabto inay Farmajo ugu hiillineyso goobta ha la timaado hana ku qanciso golaha iyadoo og in go’aamada golaha ay yihiin masuuliyad wadareed.
Shacbiga iyo ciidamada qalabka sidaa ha difaaceen hay’adaha dalka waayo dib looma soo dhisi karo, laakiin madax dib waa loo dooran karaa.