RW Rooble oo ka daba tegay Habraacii ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, kuna daray..

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka daba tegay Habraac ay soo saareen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iial wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

Habraaca ayaan lagu xusid wax kaalin ah oo Ra’iisal wasaaruhu ku leeyahay Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaana arrintan si weyn baraha bulshada uga dooday taageerayaasha Farmaajo oo sheegaya in Ra’iisal wasaaraha meesha laga saaray.

Qoraalkii Habraaca Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo ay soo saareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa mar kale dib loo faafiyey, iyadoo lagu soo daray in liiska musharixiinta Aqalka Sare loo gudbinayo Ra’iisal wasaaraha si uu u hubiyo.

Qoraalkii hore ee Habraaca wuxuu u qornaa sida soo socda:

“Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liistada u gudbinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) si ay u asteeyaan goorta doorashada”

Qoraalka danbe ee Habraaca waxa loo bedelay sidatan:

Qodobka 2und: Habraaca Doorashada 1. Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenku waxa ay si wada jir ah u soo saarayaan liiska xubnaha u tartamaya 11-ka kursi ee Xildhibaanadda Aqalka Sare ee ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee BFS. Waxayna liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare u gudbinayaan Ra’iisal Wasaaraha XFS si uu ula hubiyo liiska, si waafaqsan heshiiski 27ki May 2021 ee madasha wadatashiga Qaranka. Guddiga Doorashooyinka Heer Somaliland (SEIT) ayaa asteenaya goorta doorashada.