Iyadoo oo uu soo qoray warbixin cad Safiirka Somaliya ee Roma Danjire Gen. Cabdiraxman Sh. Ciise, taas ku aadan in guriga Safaaradda Rooma uu qarka u saaran yahay in la iibiyo balse uu safiirkaarrinkaan ka gaabsaday.
Safiirka waxaa masuuliyad ka saaran tahay inuusan safaaradda ka tagin ilaa uu si sharci ah u wareejiyo agabka yaalla iyo inuusan ogolaan in kooxda qabsatay aysan guriga iibin.
Waxaasa wax laga xumaado oo aan shacbiga Somaliyeed u caddeyneynaa:-
1- In MW hore Farmajo uu arrinkan ka warqabo oo uu toos ula soo hadlay safiirka una sheegay inuu wax ka qaban doono, balsa markii uu la hadlay wiilka uu adeerk u yahay oo ah ninka hawsha iibinta dadajinaya uu Farmajo iska aamusay.
2- Cidda qaska waddaa ee rabta inay guriga safaaradda iibsadaan waa wasiirka A/Dibada ee Xukuumadda RW Rooble Cabdisiciid Muuse iyo walaashiis Shukri siciid oo dhinaca kale adeer uu u yahay Farmajo. Waa boobkii la yaqiin ee dhacay 1990/91 markii Maxamed Siyaad xukunka laga tuurayey.
3- Waxaa intaas ka daran oo Runtii shakiga badan abuureysa in RW Rooble oo laga filayey inuu arrinkan joojiyo inta doorashada ka dhamaaneysa inuu dhegaha ka fureystay dadka qaarna ay leeyihiin waxba kama qabo arrimahan yaabka leh ee dhacay kuwaas oo kala ah in a) hal mar la wada badalo shaqaalaha safaaradda si loo banneysto fal dambiyeed la dhamacsan yahay. b) Si aan waxa qalab iyo dokumenti ee yaalla safaaradda loo ogaan in la diiday in safiirka uu xilka wareejiyo si waxa uu hayo uusan u diiwaangelinin. c) In wasiir xil gaarsiineed uu sameynayo isbadal uusan xaq u lahayn Rooblana uu wax jawaab ah ka bixinin.
Haddaba MOL oo aaminsan RE Tooble inuu yahay qof wanaag jecel ay qoraallo dhowr ah ka aameysay arrinkaan waxay shaki badan ka qabtaa in RW Rooble uu arrinkaan ogyahay ama ay jirto sabab uu uga aamusan yahay oo dayaceyso masuuliyad lagula xisaabtami karo mar dambe. Waxaan ku boorineynaa RWRooble inuu wax ka qabto arrinkaan, Waayo khaladkan joojintiisa waxaa ku filan in uu qoraal ka soo saaro joojiyana badalka Safiirka oo ah jidka loo marayo iibinta guriga, lagana soo saaro kooxda qabsatay safaarada.