Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa soo saartay Amarro ku saabsan cudurka Covid-19 oo lagu joojiyay isu imaatinka dadka, shirarka iyo bannaanbaxyada.
Wasiirada Amniga, Warfaafinta iyo Caafimaadka oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda cudurka Covid-19 dartiis la joojiyay inay dadki isu soo baxaan ama isugu yimaadaan goobaha caamka ah, lana fasaxay shaqaalihii dowladda.
Wasiirka Amniga oo la weydiiyey inuu arrintan saameyn ku yeelaneyso bannaabaxa ay maalina Jimcaha ah shaaciyeen inuu Muqdisho ka dhacayo musharixiinta Mucaaradka ayaa sheegay inuu soo hoos gelayo isu imaatinka la joojiyey, laakiin aanu jirin bannaanbax ay ka war qabaan ama lagu soo wargeliyey.
Arrintaan ayaa keeni doonta dagaal lagu hoobto, haddii aay isku dayaan Xukuumadda xil gaarsiinta ah in aay joojiyaan Bannaanbaxa nabadeed ee aay ku baaqeen Musharaxiinta Mucaaradka
Xukuumaddu waxay soo saartay amarradan: