RW Roble oo loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Wasiirka Caafimaadka

Reading Time: < 1 minute[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa durba waxaa gaaraya cabashooyin kala duwan oo loo jeedinaayo wasiiradii xukuumadii hore, kuwaas oo lagu eedeenaayo ku tagrifal awoodeed, musuq maasuq iyo eex ay kula kaceen shaqaalaha Dowladda.

In ka badan 50 qof oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ayaa ra’iisul wasaare Rooble u diray warqad ay ashatako kaga yihiin wasiiradda caafimaadka Fawzia Abikar Nuur oo ay ku eedeeyeen iney muddo 3 sanno iyo bar ah tacdi iyo dhibaato ku heysay shaqaalaha wasaarada.

Qoraalkan cabashada ah ayaa kusoo aadaya xilli Fowzia Abiikar oo wasaaradeeda uu musuq badan ka dhacay dadna loo xiray ay wali raajicineyso iney kusoo laabato wasaaradda.

Hoos ka aqriso qoraalka cabashada ah.