RW Kheyre ayaa safarkiisii Washington kala kulmay weji gabax kaddib markii uu ogaaday in Somalia aanay ka mid ahayn dalalka laga cafin doono deymaha, isla markaana aanay soo buuxin shuruudihii looga baahnaa, RW Kheyre aya bilaabay in uu eedeeyo kuna tilmaamo wasiirkiisa maaliyadda Beyle “Beenlow” iyo in uu ka been sheegay cafinta deenta lagu leeyahay Somalia.
RW Kheyre oo ska fogeynaya beentii uu ummadda u sheegayay aya waxaa ka dhashay isku dhac dhex maray isaga & Wasiirka Maaliyadda JFS Cabdiraxman Beyle. Beyle aya tan iyo markii uu qabtay Wasiirka Maaliyadda Lunsaday lacag dhan $45 Milyan oo doollar, isagoo bilaabay in uu ka dhisto dhismayaal casri ah magaalada Hargeysa.
Wasiir Beyle oo ay ka daba timid beentii uu u dheweydba u sheegayay ummadda Soomaaliyeed taasoo ahayd in dhaqaalaha dalka uu dib u soo hagaagayo isla markaana Soomaaliya laga cafin doono deymaha lagu leeyahay.
Banging Adduunka iyo Hay’adda Lacagta (IMF) aya sheegay in Soomaaliya aanay ka mid ahayn wadamada laga cafinayo deymaha, iyagoo ku sababeebay in aanay soo buuxinin shuruudihii looga baahna cafinta deymaha, taasoo inta badan qaadata 10 sano.
Dalalka sanadkan laga cafiyay deymaha aya bilaabay 10 sano ka hor qorshaha deyn cafinta ee loo yaqaan The Debt Reduction Facility (DRF) iyagoo soo buuxiyay dhammaan shuruudaha looga baahnaa, kuwaaso kala ah.
Afghanistan | Central African Republic | Ethiopia | Haiti | Mauritania | Senegal |
Benin | Chad | The Gambia | Honduras | Mozambique | Sierra Leone |
Bolivia | Comoros | Ghana | Liberia | Nicaragua | Tanzania |
Burkina Faso | Republic of Congo | Guinea | Madagascar | Niger | Togo |
Burundi | Democratic Republic of Congo | Guinea-Bissau | Malawi | Rwanda | Uganda |
Cameroon | Cote d’Ivoire | Guyana | Mali | Sao Tome & Principe | Zambia |
- Soddon iyo lix dal ayaa soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.
- Seddex dal ayaa ku guuldareystay in ay soo buuxiyaan shuruudihii looga baahna, kuwaasoo kala ah Somalia, Eritreia & Suudaan.